Wasaaradda Gaashandhiga Somalia oo dayacday xakameynta Dareeska loogu talagalay Ciiddamadda Dowladda.

0
172

ALSHABABA AND PUNTLAND KN KNN

Ciiddamadda Dowladda Somalia, ayaa ka cabanaaya dhar la’aan ka soo wajahday dhanka Wasaarada Gaadhandhiga, iyagoona sheegay inaysan heysan Darees Ciidan, halka Xoogaga Alshabaab ay iyaguna si is daba joog ah isaga badalayaan Dharka Ciiddamadda Dowladda loogu talagalay.

Ciiddamadda Alshabaab, ayaa iyagu hela Dareeska Ciiddamadda Dowladda noocba noocii ka dambeeyay, kuwaasoo aan la garaneynin cidda Alshabaab u gudbiso, iyadoona ay Saraakiisha iyo Maamulka Galgaduud ku andocaanayaan inaysan heysan Darees loo xiro Ciiddamadda.

Inta badan Saraakiisha Dowladda ayaa lagu Eedeeya inay Alshabaab ka iibiyaan Dareeska, halka ay iyaguna ka inkiraan in Alshabaab uu kala dhexeeyo wax xiriir ah.

Ciiddamadda qaar ayaa wadooyinka Magaalladda Muqdisho lagu arkayaa iyaga oo ku labisan Hubka noociisa fudud balse nasiib daro aysan wadan wax dhar ah, markii laga reebo dharka caadi ah, taasoo qeyb ka noqoneysa waxyaabaha qalqal galinaaya Bulshadda islamarkaana ka dhuminaaya Kalsoonida.

Lama Oga sida ay Dowladda Talaabo uga qaadi doonto Darees la’aanta heysata Ciiddamadda, wallow inta badan dhaqaalaha laga soo qaado beesha caalamka aan la garaneynin halka ay ka bixiyaan, hadana waxa ay sheegan inay daryeel gaar ah u sameyn doonaan Ciiddamadda.

Idale News Muqdisho