Warsaxaafadeed Uu Mareykanku kasoo Saaray Imaanshiyaha John Kerry Ee Somalia

0
232

Muqdisho(INO)-Warsaxafadeed oo uu goordhaw Mareyaknaka kasoo saaray imaanshiyaha John Kerry ee Muqdishu ayaa lagu yiri “maanta oo ay tahay 5-ta Bisha May, waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalka Mareykanka u joogaa Muqdisho inuu dib u xoojiyo balanqaadkii Mareykanka ee ahaa in lagu taageero Soomaaliya xiliga kala guurka ah, si ku dhisan nabad iyo Democracy-ad”.

“Kulankan ay wada leeyihiin Xogahaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Madaxda Federalka iyo Kuwa Maamul Goboleedyada waxaa looga dooday wada ka shaqeenta nabadgelyada iyo hanaanka lagu gaarayo la kulanka dib u habeenta iyo hormarka lagu hiigsanayo doorashooyinka sanadka 2016” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

John Kerry ayaa sidoo kale la kulmay Madaxda Ururada Bulshada Rayidka ah, kuwaasoo lagala hadaly muhiimadda ay u leeyihiin Soomaaliya.

John Kerry ayaa uga mahadnaqay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM wuxuu ku sheegay doorkooda dejinta xaalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo uu dalka yimaado madax heerka John Kerry oo kale ah, oo uu Mareykanka usoo diray dalka.

Tan ayuu sheegay Kerry in ay soo afjareyso qilaafkii Soomaaliya iyo Mareykanka ay soo wadaageen Sagaashamaadkii, oo waxa uu yiri “waxaan usoo jeesanay inaan Soomaaliya caawino”.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here