Wariyeyaasha oo Looga Yeeray Madaxtooyada DFS, Maxay tahay sababta?

0
161

Goor dambe oo xalay ah ayaa xarumaha warbaahinta Muqdisho lagu war galiyay in subaxda Sabtida ah 08:00 AM, iska soo xaadirayaan madaxtooyada Villa-Somalia, gaar ahaan xafiiska ra’isal wasaaraha, si’ ay uga qeyb galaan shir jaraa’id oo looga dhawaaqi doono xukuumadda cusub.

Ra’isal wasaare C/wali Shiikh Axmed Maxamed, ayaa lagu wadaa inuu si’ rasmi ah u shaaciyo xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono, taasoo muddo dheer laga sugayay, kuna qaadatay 28-maalmood inuu ka fiirsado golaha wasiirradiisa cusub.

Saraakiil sare oo ka tirsan madaxtooyada gaar ahaan xafiiska Prime minster C/wali, ayaa sheegaya in xukuumaddan ay noqon doonto mid aad uga badan tiradii la filayay ee aheyd 18, waxayna gaareysaa ilaa 23-Wasiir.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiye Jawaari, Ra’isal wasaare C/wali iyo xubno ka tirsan Dam Jadiid ayaa habeenkii xalay ahaa kulan albaabada loo laabay waxay ku heshiiyeen in wasiirrada cusub lagula xisaabtamo shaqadooda.

breakingIdaleNews

Idale news Online,Muqdisho