Wararka ka imaaneya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,ayaa shegegayaan,in goor dhawayd magaaladaasi lagu xirey wariye u shaqeynayey Radio warsan oo laga dheysto baydhabo iyo nawaaxigeed.
wariyaha la xirey ayaa lagu magacaawa,cabdi-Nuur Mayoow, ilaa iyo iminka ma cad sababta ka dambeysa ee xiritaanka suxufigan oo ka howgalaa magaalad Baydhabo.
warar qarsoodi ah oo ay hashey shabakadda warbaahinta Idalenews Online (INO) ayaa tilmaamayaa in dhawaanahan laga armey wariyaasha ka hawgala Gobolka Bay in aaney tabin karin war ama xog aan ogeyn maamulka Gobolka Bay.
Magaalada baydhabo waxa iminka laga dhageystaa labo radio FM.kuwaaso ka xagab tirada bulshada soomaaliyeed ku dhaqan magaalada Baydhabo janaay Warar iyo barnaamijo kala gedisan . suxufiyiinta soomaaliada ayaa inta badan waxay la kulmaan xarig, jirdil iyo dil intuba.
arintani ayaa imaaneysaa xilli magaalada baydhabo iminka ka soconayo shir looga gogol xaarayo, maamul goboleedka Koonfur galbeed ee soomaaliye, kaasoo dhisintaankiisu ay ku howlan yihiin odayaal, xildhibaano iyo siyaasiyiin caan ku ah Hoyga soomaaliya.
Idale News Online,Baydhabo Janaay.