Warbixin:Maxaa Ka soo Bixi Doona Doorashada Dalka ISRA’EL?

0
202

Taleviv(INO)-Shacabka Isre’al oo baqdin weyn ka hayso amaanka ayaa saaka udareeray goobaha cod bixinta oo amaankooda aad loo adkeeyey, waxa ayna dooran doonaan Hogaamiyaha dalkaas iyo xildhibaanada golaha baarlamaanka, xili xiisad adag oo dhanka loolanka ah ka jirto gudaha Isra’el.

Xisbiyada aadka iskaga soo horjeeda, laakiin ku mideysan in aysan Falastiin dawlad madax banaan noqoto ayaa isku haysta kuraasta baarlamaanka iyo Raysalwasaare-nimada dalkaas.

Ninka hada xilku ka dhamaaday ee lagu yaqaano fikradaha Islaam necaybka ah, gaar ahaana Shacuubta Falastiin Benjamin Netanyahu ayaa usheegay taageerayashiisa in uusan waligiis ogolaan doonin dal xor ah oo Falastiin yeelato.

Netanyahu wuxuu sheegay in hadii la doorto uu sii wadi doono duulaamada dhul balaarsiga ah, wuxuuna kaloo sheegay in aysan marnaba aqbali doonin heshiis Mareykanku la galo dalka Iiraan.

REFalanqeeyaasha doorashadaas socota ayaa leh, suuragal badan ma noqon doonto in uu soo laabto Benjamin Natayahu, maadaama uu lumiyey taageeradii Mareykanka, gaar ahaana awooda xukunka haysata.

LIKUD oo ah xisbiga talada haya ayaan la garan doonin rajadiisa, waxaana adag in la bixiyo sadaal sheegaysa cida ay guusha raaci doonto, balse labada xisbiba midna ma sheegan karo ilaa hada guul rasmi ah.

Hadalo kulul oo ay xamaasad ku dheehan tahay ayay isku jeedinayaan labada dhinac, waxaana dhinac kastaa uu raadinayaa taageerada Shacabka, mid kastana taageerayaal ayuu haystaa.

Idale News Online, Talaviv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here