Warbixin Xasaas Ah: DF Soomaaliya Oo Ka Gaabisay Dagaalka Al shabaab

0
249

Muqdisho (INO) — Mudooyinkii danbe waxaa sii xoogeysanyay Dhaalilo loo soo jeedinayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii ay joojisay Dagaalkii ka dhan ahaa Kooxda Al shabaab.

Teaser Image Warbixin: Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka gaabisay Dagaalka Al shabaab

Ururka Ahlu Sunna, oo kamid ah Xoogaga DFS ka caawinaya Dagaalka Al shabaab ayaa sheegay in dhankooda ay ka go’an tahay sii wadista Dagaalka, haddii ay Dowladda joojisay.

Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Amiin, oo kamid ah Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa xusay in Dagaalka haddii laga joojiyo Kooxda Al shabaab ay horseedi karto inay dib isku abaabulaan oo la wareegaan Deegaandii iyo Degmooyinkii horey looga saaray.

“Gobolada Dalka waxaa ka jira Cabsi ah inay soo laabato Awoodii Al shabaab, maadaama laga joojiyay Howlgalkii Ciidanka ee looga saarayay Goobihii ay ku sugnaayeen, marka waxaan ugu baaqayaa inay billowdo Dagaalka, oo Ciidankeeda siiso Qalab iyo Mushaar,” ayuu yiri Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Amiin.

Idale News  Online ayaa ogaatay in Sababta Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab oo wixii ka danbeeyay bartamahii 2014 wax Duulaan ah la qaadin.

Shabakada Idale News Online  ayaa heshay Macluumaad ku saabsan in UN-ka, USA iyo Europe ay joojiyeen 5 Malyan oo Doolaar oo Bilkasta siin jireen AMISOM si Dagaalka Al shabaab loo sii wado.

Markii ay Ciidanka AMISOM waayeen oo laga joojiyay Lacagtaasi waxay go’aansadeen inaysan wax Dagaal ah qaadin oo ay Saldhigyadooda isku difaacaan illaa dib loogu billaabayo Lacgta.

Ugu Dambeyntii 22 Kun oo Askari oo ka socda Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Djibouti ayaa ka qeyb qaadanaya Howlgalka AMISOM, iyadoo Askari kasta uu qaato 1,200 USD (Kun iyo Labo Boqol oo Doolar).

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here