Warbixin: Wefidigii Madoobe Nuunow oo ku dhow inay sameeyaan Tanaasul ka dib markii ay dalbadeen in La siyo…

0
185

Magaagalada Muqdisho, Ee  caasimada wadanka soomaaliya, waxa ku sugan mudo seddex todobaad ah, wefidi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka KGSoomaaliya Ee 6da Gobol Md Madoobe Nuunow iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan.

Wefidigan ayaa ka dambeysay imaatin koodo Muqdisho, ka dib markii Casumaad ay ka heleen xafiiska Siyaasada Soomaaliye Ee Qaramada Midoobey UNSOM Iyo weliba  DFsoomaaliya, isla markaana ayagu u dooneyey Maamulka 6da Gobol ay u helaan Aqoonsi.

Wakiilka Gaar ah qaramada madoobey  Ee Q M, danjire Nichulus Kay& DF soomaaliya ayaa Horey u diideen inay Aqoonsadaa Maamul ka Kooban Lix Gobol, isla markaana  kula taliye  wefiga madoobe  Nuunow inay ka tanaasulaan arintaasi.

Dadaalo badan iyo isku soo dhawaansho uu sameeyey dhoor jeer Godoomiyaha baarlamanka soomaaliya Md  Prof. Maxamed sheekh Cismaan Jawaarey ayaa fashilmey, ayadoona wefdiga  KGSoomaaliya Ee Lixda Gobol  ay ku adkeysteen inuu xalaal yahay maamulka 6da Gobol, isla markaana ay tahay qadiyada umadaasi 6Gobol ee KGS.

Hadabada maanta, arintu sidaasi way ka duwan tahay,  illo xog ogaal ah isla markaana xariiro toos ah ay la sameysay Shabakadda warbaahinta Idale News Online, ayaa u xaqiijey in madoobe Nuunow iyo wefidiisu ay ku dhow yihiin ay la yimaadaan  ka tanaasulka lixda Gobol, hadi  la siyo aduun dhan 450,000USD. Qarashkaaso intiisa badan siyaasiyiintaasi ayaa wax uu  ka galey  Dhismaha Maamulkooda, hase ahaatee, dowlada soomaaliya ayaa Diidey Dalabkaasi sida inoo xaqiijiyey siyaasi aanu xariiro dhow la sameynay.

Si kasta ha haatee hadii arintan dhab noqoto isla markaana la shaaciyo waxay dhabar jab  iyo tacab khaas ku noqoneysa Taagyeerisha Maamulka Lixda Gobol.

Sidoo kale  Magaalada muqdisho waxa sidoo kale , ku sugan madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGsoomaaliya 3Gobol Mudane Maxamed xaaji iyo Qaar ka mid ah Gollahiisa wasiirada, isla markaana dhawaan Cusmaad Rasmi ahi uu ka heley RW, cabdiweli sheekh, sida lafilayona uu ictiraafi doono Maamulka 3Gobol.

Ugu dameyntii Dowlada soomaaliya iyo QM Waxay horey u sheegeen in aanay  raali ka ahayn maamul ka kooban lix Gobol, isla markaana keeni Karo dhibaato Hor leh, waxayna u janjeeren maamulka 3Gobol KGSoomaaliya, kaasoo leh madaxweyne , ku xigeen Madaxweyne iyo  Golllo Wasiiro .

Idale News Online, Muqdisho.