Warbixin: Maxaadan Ogayn oo Ku soo Kordhey Wadahadaladii U dhexeeyey Dowlad Goboleedka KG soomaaliya iyo DF soomaaliya?

0
196

Waxa maalmahan ku sugan Magaalada  caasimada ahi Ee muqdisho wafdi uu hogaaminayo Madaxweyanaha Dowlad Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed,wafdigaasi oo isugu jira wasiiro iyo wasiiro kuxigeeno, kadib casuumaad Rasmi ka heleen dowlada federaalka Soomaaliya

Wada hadalo maalintii  seddexaad galay ayaa waxay u socdaan guddiyo ay soo kala magacaabeen dowlada federaalka Soomaaliya  iyo Dowlad Goboleedka  koonfur galbeed, ayaa waxan isku daynay in aan wax ka ogaano halka ay wadahadaladu marayaan waxaana inoo suurta gashay inan wareysano wasiir kuxigeenka gaadiidka cirka iyo dhulka maamulka koonfur galbeed Mudane Maxamed Sheekh Cali (woosh), wuxuu inoo sheegay in wada hadaladu meel fiican marayaan, waxyaabo badana la isla fahmay dhowaana labada gudi ay soo saari doonaan warsaxaafadeed ay ku faahfaahinayaan waxyaabaha ay ku heshiiyeen.

Wasiir ku xigeenka wuxuu intaa raaciyay in qodobadi ay ka wada hadlayeen labada guddi ay isku afgareteen kaliya uu jiro hal qodob oo isna la filayo in maalinta beri ah la isku Afagarto.

Sidoo kale waxan isku daynay in aan xiriir la sameyno guddiga dowlada federaalka  oo aan wax ka weydiino arrimaha shirka wayna inoo suurta geli weysay.

Shirka maalintii seddexaad  galay ee u socda Dowlada Federaalka iyo maamulka koonfur galbeed wixii ka soo kordha wararkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

DSCN01371

Idale News Online, Muqdisho.