Warbixin: Cabsi xoogan oo ka jirta Magaalada Nairobi & Mucaaradka Dalka Kenya oo Yiri “Dowlad kama jirta Dalka”.

0
160

Dowladda Kenya ayaa 15,000 oo Askari ku daadisay goobaha Muhiimka ah ee Magaalada Nairobi, waxaana laga baqayaa Rabshado salka ku haya Amni daradda Dalka.

Teaser Image Cabsi ka jirta Nairobi // Mucaaradka Kenya “Dowlad kama jirta Dalka”Xisbiga Mucaaradka ODM ayaa laga yaabaa in uu Maanta iyo berri dhigo dibadbax weyn oo looga soo horjeedo Siyaasadda Xukuumadda Uhuru Kenyatta.

Magaalada Nairobi ayaa Maanta waxaa ka jirta Cabsi in ay dhacaan Rabshado salka ku haya Siyaasad.

Dowladda ayaa xirtay Goobo badan oo Muhiim ah, waxeyna ku dhawaad 15 Kun oo Askari dhigtay Goobaha Muhiimka ah sida beerta Uhuru (Beerta Xorriyadda Uhuru Park).

Ammaanka Caasimada ayaa xalay si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidammo waddooyinka joogay ay baaritaanno ku sameynayeen gaadiidka sida gaar ah loo leeyahay iyo dadka saaran.

Mucaaradka ayaa Dowladda ku eedeynaya in ay ku fashilantay Sugidda Ammaanka Dalka kadib Weeraro badan oo ka dhacay Deegaanadda Xeebta.

Ugu yaraan 18 Qof ayaa lagu dilay Weerar markale habeen hore ka dhacay dalka Kenya, kaasi oo noqonaya kii 2-aad oo dalkaasi ka dhaca Mudo ka yar Hal Bil, iyadoo Amni darrada Jilbaha dhulka u dhigay Dhaqaalaha Dalxiiska kasoo galayay dalkaasi.

Kenya waxaa ka dhacayay Weeraro tan iyo 2011 markaasi oo ay Ciidamadeeda ka tallaabeen Xadka Soomaaliya, si ay ula dagaalaam Kooxda Al Shabaab oo ay ku eedeysay Xumuumadda Nairobi Afduubka Shaqaale Hay’ado Ajanabi ah & Dilka Saraakiil ka tirsan Ciidankeeda.

Idale News  Online – Nairobi.