Tiyeeglow(INO)— Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed oo is garabsanaya iyo Al-Shabaab ayaa galabta ka dhacay afaafka hore ee degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, iyadoo ciidanka is garabsanaya ay ku sii siqayaan degmada.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo ahaa mid aad u xooggan ayaa la sheegay inuu istaagay Xaley fiidkkii , waxaana laga yaabaa in Saaka dib u qaraxo.
Dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku sugnaa Tiyeeglow ayaa isaga barakacay, waxaana degmada ay tahay mid haawaneysa oo xiisad dagaal ka taagan tahay.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur galbeed ayaa saaka ka hakaday gelista magaalada, kaddib markii la sheegay in Al-Shabaab ay si xeeladeysan uga baxeen, waxaana markii hore Tiyeeglow ku sugnaa ciidan aan sidaa u badneyn, balse gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa soo gaaray Tiyeeglow dagaalyahano badan oo gurmad ahaan uga yimid dhanka Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidankooda ay ku filan yihiin la wareegida degmada Tiyeeglow, iyagoo aan wax taageero ah ka helin Ciidamada Itoobiya ee dhowaan ka baxay degmada.
Ugu dambentii, Ciidamada ayaa horay u soo qabsaday deegaano u dhaxeeya Xudur iyo Tiyeeglow, sida deegaanka Ceel Garas, hadii ay ciidamada si buuxda ula wareegaan Tiyeeglow waxay noqoneysaa markii u horeysay ciidan dowladeed oo keli ah ay qabsadeen deegaan ay horay u faarujiyeen Ciidamada Itoobiya.