Wararkii Ugu Dambeeyey Qarax ka dhacay Muqdisho

0
202

Muqdisho (INO) — Qarax loo adeegsaday Bamka Gacanta ayaa waxaa lagu weeraray Mas’uul katirsan Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo C/qaadir Axmed Raage.

Teaser Image Qarax ka dhacay Muqdisho

 C/qaadir Axmed Raage waa Gudoomiyaha Waaxda Barwaaqo ee Degmada Heliwaa, waxaana la sheegay inuu ka badbaaday Qaraxa, balse ay dhawaacmeen Dad rayid ah oo markaasi isaga la kulmayay.

“Waan ka badbaaday Weerarka la doonayay inay Al shabaab igu qaarijiso, waxaana ka xumahay in Rayid aan waxba galabsan ay ku waxyeeloobeen,” ayuu yiri C/qaadir Axmed Raage.

Lixda dhaawacantay, 5 kamid ah waa Haween kuwaasi oo kamid ah Ganacsato Maanta uu la kulmayay C/qaadir Axmed Raage markii uu Nin ku soo tuuray Bamka gacanta, kadibna Goobta ka baxsaday.

Idale Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here