Wararkii Ugu Dambeeyey ee Dhismaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia

0
229

Wararka  aan ka heleyno Magaalada Xarunta u ah Gobolka Baay ee Beydhabo, waxay sheegayaan in halkaas ay maanta gaareen Ergooyinka  ka kala socdo Gobolada Sh/hoose , Jibbooyinka iyo Gedo, iyaoona ay hore u sugnaayeen kuwo ka yimid Gobolada Baay iyo Bakool.

Suldaan Xeydar Suldaan Suufi, oo hogaaminaayay Ergooyinkaan, ayaa sheegay  inay Magalaada Baydhabo u yimaadeen, sidii loo soo dhisi lahaa Maamulka Gobolada Koonfureed Somalia Xilli uu Saxaafada kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Beydhabo.

Wuxuu sheegay in Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed uu iyaga oo qura uu u xayiraana lana sugayay in Muddo ah balse iminka ay yimaadeen , wixii xilligaan ka dambeeyana dhismahaa maamulkaas la dedejin doono.

Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow, iyo Xubno uu Hogaaminayo ayaa qeyb ka ahaa Soo dhaweynta Wafdigan waxaana Wafdigaan la geeyay Xarunta ADC ee Magaalada Beydhabo.

baydhabo

Cabdi Aadan Hoosow, Gudoomiyaha Gobolka Baay Wuxuu sheegay in ergadan laga sugayo soo dhisidda Maamul Mid ah oo ay yeeshaan Gobolada Lixda ah ee Sh/Hoose, Baay, Bakool Gedo iyo Balada Jubbo.

Maalmaha Soo aadan ayaa lagu wadaa inay soo dhameystiraan Maamulka Goonfur Galbed Somalia , inkastoo Siyaasada Dhismaha maamulkaas ay wataan rag Shaqsiyaad ah , inakstoo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia uu aqbalay dhowaan Dhismaha Maamulkaas.

Dowlada Somalia ayaa la daalaa dhceysa Qancinta Maamulka Jubba iyo ragga Siyaasada ahaan ay isaga  soo horjeedaan waxaana dad badan ay qabaan Dhibaato kale oo culeyskeeda leh

Idale News Online