Wararkii Ugu Dambeeyey Baydhabo Janaay+Amniga Oo Sare loo Qaadey

0
201

Baydhabo(INO)-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka By ayaa sheegaya in xaalado amni xumo ay magaalada kusoo kordheen, kuwaas oo shacabka iyo mas’uuliyiintuba ay aad uga walwalsanyihiin.

Xaaladahan ayaa soo xoogeystay ka dib markii todobaadyadii u dambeeyay ay dilal qorsheysan ka dheceen magaalada, waxaana u dambeeyay dil Xalay loo geystay mid ka mida culimada magaalada.

Ciidamada amaniga ayaa bilaabay howlgallo xoog leh oo ay ku daba galayaan raggii ka dambeeyay dilka Wadaadka oo xalay la geystay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in howlgallada dilkan ku xigay lagusoo qabtay dhalinyaro aan tiradooda la sheegin, kuwaas oo hadda baaris lagu haayo si loo kala hubsado xiriirka ay la leeyihiin dilkii dhacay iyo falalka kale ee amni darro.

Ugu dambeyntii, Qaar ka mid ah waxgaradka Baydhabo oo Warbaahinta la hadlay ayaa muujiyay walaac iyo walwal ay ka qabaan dhibaatadan kusoo korortay deegaanka, iyagoo ka codsaday maamulka iyo ciidamada inay deg deg wax uga qabtaan dhibaatadan.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here