Ceelwaaqo(INO)- Waxaa xaalad degganaashiyo Caawa maqribkii kadib gashay Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo kadib Dagaal Xoogan oo halkaasi ka dhacay Saacadihii udambeeyey.
Ururka AL Shabaab ayaa waxa lasoo sheegayaa in ay weerar ku qaadeen Degmadaasi oo ciidanka dawlada Soomaaliya kusugnaayeen.
Dad kusugan Ceel waaq ayaa Wakaalada Warqaad waxay usheegeen in Al Shabaab oo watay 7 gaadiid dagaal ah ay Caawa kusugan yihiin halkaasi.
Al Shabaab ayaa fagaaro kaga khudbeeyey Dadka Deggan Ceel waaq iyadoo ciidanka Dawlada Soomaaliya ay iskaga baxeen halkaasi.
Wararka waxay sheegayaan in Al Shabaab ay wateen baabuur ay ku qabsadeen dagaalkii ceel cade Ee Horaantii Sanadkaan ay Ciidanka Kenya kaga furteen.