Wararkii ugu dambeeyay Shabaab iyo ciidamada Dowladda oo ku dagaalamay Duleedka Diinsoor

0
198

Diinsoor(INO)-Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, waxaa dagaal culus uu saaka halkaasi ku dhexmaray ciidamada Dowladda Federalka  Somaliya iyo kuwa Shabaab, kadib markii Shabaab ay weerar jidgal ah u dhigeen ciidamada.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Tuulo Loon oo hoostagta Degmada Diinsoor, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta laga warhaayo dagaalkaasi waxaa ku geeriyootay saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda halka ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ciidamada dagaalamay, Shabaabka dhankooda hal Askari ayaa dagaalkaasi uga dhintay sida Saraakiisha ay inoo xaqiijiyeen.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamada Dowladda Federalka Somaliya hub looga qabsaday dagaalka oo Shabaab dhowr qori ay qaateen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa  u xaqiijiyay  warbaahinta in dagaalkaan ayaa sheegay ciidamada Dowladda inay iska caabiyeen Shabaabka weerarka jidgalka ah u galay.

Ciidamadan saaka lagu weeraray duleedka Degmada Diinsoor ayaa ka ambabaxay Magaalada Diinsoor waxaana ay ku socdeen deegaano kale oo ku dhaw Magaalada Diinsoor, hayeeshe Shababka ayaa jidka u galay.

Shabaabka ayaa weerarada noocaan oo kale ah ee Kamiinka loo yaqaan u dhiga ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee ku safra wadooyinka Gobolka Bay.

Idale News Online, Diinsoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here