Wararkii Ugu Dambeeyay Nabadoon Lagu Dilay Beladweyne Ee Gobolka Hiiraan

0
253

Baledweyne(INO)-Allaha u naxariistee waxaa xalay maqribkii Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan lagu dilay Nabadoon Xasan Aadan Deeqow (Xasan Ood), oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Deegaanka.

Ibrahim_660

Rag hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan, ayaa Nabadoonka waxay ku dileen xaafadda Buundoweyn, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa oo halkaasi ku yaalay.

Goobjoogayaal, ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in Nabadoon lagu dhuftay dhowr xabadood, taasina ay soo dedejisay inuu ku dhiig baxo goobtii lagu toogtay, ugu dambeena uu ku geeriyoodo.

Raggii dilka gaystay oo cagaha wax ka dayay, ayaa waxaa adkaatay in gacanta lagu soo dhigo, balse laamaha ammaanka oo goobtaasi hawlgal ka wada, ayaa ku hawlan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dhagar-qabayaasha.

Laba cisho ka hor, ayay ahayd markii xaafadda Kooshin ee Magaalada Baladweyne lagu dilay Nabadoon Muumin Barre Cadde, oo sidoo kale ka ahaa Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Dilalka ka dhacaaya Magaalada Baladweyne, ayaa waxay ku soo beegmayaan, iyadoo mintidiinta Al Shabaab ay xoojiyen weerarada ay ka gaysanayan dhulka, ay gacanta ku hayso Dowladda Federalka Somaliya.

Ummada Somaliyeed, ayaa wax layaab ihi u arka in dhiigga ummada Muslimiinta la daadiyo, xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan.

Idale News Online, Baledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here