Garowe(INO)— Dagaalo ayaa mar kale maanta oo jimco ah waxaa uu mar kale ka bilowday Togga Suuj ee Gobolka Nugaal, halkaaso maalmihii la soo dhaafay dagaalo ku dhex marayeen Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka cusub ayaa bilowday markii ciidamada Puntland ay gudaha u galeen qeyb ka mid ah Togga Suuj, waxaana si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha uu dagaalka geysanayo.
Jen, Muxiyaddiin Axmed Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Puntland ee dagaalka hogaaminaya ayaa sheegay in ciidankooda ay galeen Togga, ayna saacadaha soo socda soo afjari doonaan.
“Waxaan taaganahay Suuj, jawiga dagaalka nimanka halkan soo galay, xalay inay ka baxaan ku tala galeen, waano hor-joogsanay, go’doon ayay ku jiraan, hada howl galka waa socdaa, waana soo afjareynaa”ayuu yiri Jen, Muxiyadiin.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in hub culus ay ku ridayaan Togga Suuj, waxaana uu xusay in dhankooda labo askari ka dhaawacmeen, halka dhanka kale Al-Shabaab uu khasaaraha aad u badan yahay sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay inay Al-Shabaabka ku jiray Togga Suuj ay hareereeyeen, isla markaana ay jiho walba ciidamada ku sugan yihiin.
Xeel dheerayaasha ayaa ku sababeynaya sababaha dagaalka u sii dheeraaday inay tahay meelaha lagu dagaalamayo oo ah goobo istiraatiiji ah, isla markaana ah godod iyo buuro ay adag tahay in cidii dhufeys ka gasha loogu galo.
Togga Suuj ayaa ah meel biyo leh, isla markaana godod waa weyn ku yaallaan, waxaana halkaas ka dagaalami jiray Ciidamadii Daraawiishta ee uu hogaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee dagaalka kula jiray gumeystihii Talyaaniga.
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro khasaare xoogan oo labada dhinac ka soo gaaray dagaalka, iyadoo Puntland ay sheegtay in illaa 20-dagaalyahano ka dileen Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa u sheegay Warbaahinta maxaliga ah inay soo bandhigi doonaan meydadka Al-Shabaab oo ay ku dileen dagaal shalay ka dhacay dooxada Bad-xado oo ku taal halka ay iska galaan Mudug iyo Nugaal, halkaasoo la sheegay in askar ka tirsan Puntland lagu dilay.
Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaabka maalmo ka hor gaaray deegaanada dhaca xeebaha ayaa u muuqda mid sii xoogeysanayo, waxaana haatan dagaaladu ay galeen maalinkii 3aad.
Idale News Online, Garowe