Wararka Dunidda:Sanad Guuradii 4aad Oo Laga Xusay Dalka Tunisia

0
229

Tunis(INO)-Munaasabado lagu maamusayay 4 sano guuradii ka soo wareegatay kacdoonkii dalka  Tunisia ayaa ka ka dhacay dalkaasi qeyb ka mid ah waxaana isugu yimid qoysakii eheladooda ay ku nafwaayeen rabshadihii kacdoonka ahaa.

Tunisia Protests

Koox dibadxayaaal ah ayaa waxa ay carqaladeeyeen xaflad lagu weyneynayay isla markaana lagu sharfayay 4 sano guuradii  ka soo wareegatay kacdoonkii Tunisia sanadii 2011 munaasabadaha ayaa waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada magaalada waqooyiga ee kaartheej ee dhacda duleedka  caasimada tunis.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha dalkaasi Beji Caid Essebsi.

Mudaharaadayaasha ayaa shaaca ka qaaday in dowlada wax magdhow ah aysan ka siin qaraabadoodii ku geeriyooday kacdoonkii wadankaasi.

Sida laga soo xigtay afhayeenka madaxtooyada Moez Sinaoui, madaxweynaha ayaa  shirka ka dib dibadbaxyo la kulmay.

Dalka Tunisia waa halka uu ka dhashay dibadbaxyada ku salaysan dibmoqraadiya kaa oo ku fiday waqooyiga afrika,bariga dhexe waxaana ugu dambeyntii kacdoonkii Tunisia  uu sababay in xilkii laga xayuubiyay madaxweynihii dalkaasi Zine El Abidine Ben Ali, sanadii  2011 kaa oo reer galbeedku ay ugu yeereen kali taliye.

Sida laga soo xigtay tirokoobyada ay sameysay Q/M, ayaa lagu sheegay in la dilay ugu yraan 300 oo qof sidoo kalana  boqolaal kale ayaa  dhaawacmay  ka dib markii  ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaal ay isku dhaceen taa oo  keentay in la rido Ben Ali.

Idale News Online, Tunis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here