Wararka Dibadda:Haweeneey Sabab u Noqatay Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Mareykanka iyo Hindiya.

0
208

Diblomaasi u dhalatay dalka Hindiya ayaa Maraykanka looga soo oogay dacwad ah inay samaysay is daba marin dhanka viisaha ama dalk ku galka. Muddo bil ah ka hor ayaa Devyani Khobragade loo xiray arrimo la xiriira in aanay lacag ku filan siin jirin shaqlaaheeda guriga.

Dharka laga dhigay

Gabadhan diblomaasiga ah ayaa katiinad lagu xiray oona dharka laga dhigay mar la baarayay, isla markaana laga codasaday inay isaga baxda dalka Maraykanka. Dowladda Hindiya ayaa diidday dalab Maraykanka ka yimid oo ahaa in diblomaasinimada laga xayuubiyo si ay suuragal u noqoto in la xiro..

Cudur daar

Hindiya waxay sidoo kale ka carootay sida gabadhan loola dhaqmay. Waxay codsatay in Maraykanku ka cudur daarto sida uu ula dhaqmay gabadhaas.

gabadha khilaaf

Idale News Online,

Xigasho:BBC