Wararka Dibadda>Dagaal yahanada isku haya Koonfurta Suudan oo billaabay in ay Isbitaallada Weeraraan.

0
201

Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegtey in dagaalyahannada Suudaanta Koonfureed ay burburiyeen isla markaana boobeen isbitaallo , falalkaasina ku tilmaantey kuwo fool xun oo ka dhan ah xarrumaha caafimaadka, shaqaalaha iyo bukaanka intaba. Falalkaasi ayaa sida ay hay’addu sheegtey dhacayey tan iyo markii uu dalkaasi dagaal ka qarxey bishii December.

War maanta ay soo saartey hay’adda, ayaa lagu xusey in shaqaalahooda ay isbitaal ku yaalla Malakal ka  heleen 14 meyd, iyadoo dhowr ka mid ah u muuqdeenu bukaan madaxa laga toogtey.

Malakal ayaa ah xarunta gobolka Upper Nile, waxayna ahayd goob ay dagaallo culus  maalmahan ku dhexmarayeen ciidamada dowladda iyo falaagada.

Labada dhinac ayaa halkaasi mar kale uu dagaal ku dhaxmarey, inkastoo uu jiro heshiis xabbad joojin ah oo labada dhinac ay ku gaareen bishii la soo dhaafey dalka Ethiopia.

Madaxa Arrimaha Aadminimada ee Qaramada Midoobay Toby Lanzer ayaa xaaladda gobolka Upper Nile ku tilmaamey inay tahay mid aan xasilneyn.

Hay’adda Dhakhaatiirta an Xuduudda lahayn ayaa sheegey in isbitaalka Markii la boobay kadibna la gubey.

Dagaalka Koonfuurta Sudan ayaa waxaa ku dhintey kumanaan qof tan iyo bartamihii bishii December.

bentiu-south_sudan-sudan-war-heglig-2012-4-19

Idale News Online, Malakal, Koonfurta Sudan.