Wararka ka imaanaya deegaanka Mandheera ee xuduudka Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay ku fureen gaari bus ah, shilkaasi weerar ayaa loo aaneynayaa xiisad beeleedyo ka taagan deegaanada Gobolka waqooyi bari Kenya.
Sida ay sheegayaan wararka ilaa lix ruux oo labo ay caruur arday oo Iskuul u socotay ay ahaayeen ayaa lagu rasaaseeyay gaaru bus ah ay la socdeen, kadib markii dabley hubeysan ay jidka u galeen.
Deegaanka Mandheera ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa kajiray Xiisado dagaal oo u dhaxeeyay beelo wada daga halkaas. Mid kamid ah dadka saarnaa baabuurka oo ka badbaaday weerarka ayaa AFP u sheegay in kooxo hubeysan ay wadada u galeen islamarkaana ay rasaas xoogan huwiyeen baska, waxaana uu sheegay in islamarkiiba ay halkaas ku geeriyoodeen 4 ruux. Wararka ayaa sheegya in meydka labo qof kale saaka oo khamiis ah laga helay meel ku dhow halka uu weerarka ka dhacay.
Degmada Mandheera oo ah halka uu weerarka ka dhacay, waa meel kala qaybisa dalalka Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya, dadka degana waa dad xoolo dhaqato ah, waxaana mar walba dhex mara dagaal la xiriira xoolo la kala dhaco iyo dhibaatooyin kale.
Sidoo kale Mandheera waxaa ku taala Xerada qaxootiga aduunka ugu weyn ee Dhadhaab oo ay ku jiraan in kabadan 500,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo isaga soo cararay dhibaatooyinka Soomaaliya ka socda.
Warbixin ay soo saartay doowlada Kenya ayaa lagu sheegay in dadka ku dhintay dagaal beeleedyada Mandheera todobaadyadii la soo dhaafay dadka ku dhintay ay gaarayaan ilaa 30 ruux.
Al-Shabab ayaa weeraro isdaba joog ah ku qaadayay deegaanka Mandheera, tan iyo markii ay gudaha Soomaaliya usoo galeen Ciidamada Kenya dabayaaqadii 2011.
Idale News Online Mogadishu