Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Goor dhaw Qarax Culus uu ka dhacay bartamaha Magaalada.
Qaraxa oo ahaa Gaari laga soo buuxiyey Waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in uu ku qarxay Irida hore ee xarunta Shirkada Dahabshiil ee Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu Sababay Dhimasho iyo Dhaawac farabadan oo Dad Shacab ah soo gaaray sida uu Idale News online u xaqiijiyey C/laahi Max’ed Nuunoow oo ka mid ah saraakisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Waxii ku soo kor dha kala soco Idale News.com
Idale News Online