War xasaasi:Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheera ayaa hanjabaad u diray

0
239

Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheera ayaa hanjabaad u diray saraakiil ka tirsan ururka, kuwaasi oo la sheegay in ay qorsheynayeen in dhanka DFS ku biiraan.

Waxay qadka taleefanka uu kala hadlay Cali Dheere, Fu’aad Shongole iyo xubno kale oo u sheegay in haddii waxa la sheegayo sax noqdaan aanay nabad ugu tagi doonin dhanka DFS.

Shongole ayaa u sheegay Cali Dheere inaanu wax baqdin ah qabin, islamarkaana isaga uu yahay sarkaal isaga ka sareeya marka loo eego darajooyinka Al-shabaab.

Nux-nux hoose ayaa jirtay, tasi oo ah in Maleeshiyada Al-shabaab doonayaan qaarkood in dhanka DFS usoo baxsadaan.