War Deg Deg Ah Aqalka Sare Ee Golaha Guurtada Koonfur Galbeed Oo Ka Biya Diiday Codsi Kaga Yimid Madaxweyne Xasan Sheekh.

0
164

Madaxweyne Xasan Sheekh oo codsaday in uu la kulmo Aqalka Sare Golaha Guurtada Koonfur Galbeed Soomaaliya kadib markii dadweynaha koonfur galbeed ee ku dhaqan magaalada Baydhabo ay kala hor yimaadeen kacdoon shacab oo aad u xoogan oo ka dhan ah wafdiga Madaxweynaha iyo xulufada Shariif Xasan oo ku qasbay Madaxweyne Xasan Sheekh In uu soo dhaafi waayo Garoonka diyaaradaha international Shaatiguduud Airport ee magaalada Baydhabo,Dadweynaha ayaa wada xeray wadooyinka magaalada soo gala iyo kuwa ka baxa isu socod magaalada iyo ganacsiga oo gabi ahaanba wada istaagay.

Madaxweyne xasan Sheekh oo la faray in uu yimaado xarunta ADC kadib uu la hadli karo Odayaasha dhaqanka laakin inta uu meelaha kale ku meer meereysanayo Odayaasha aysan la hadli doonin Xasan Sheekh iyo kooxda ku fikirka ah uu hor boodayo Shariif Xasan.

Golaha Sharci dejinta Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya ee soo doortay Xasan Sheekh ayaa ku dhisan rabitaanka Odayaasha dhaqanka ayagaana soo xulay xildhibaanada doortay Xasan Sheekh, maanta awood ma uleeyahay Xasan sheekh in uu is hortaago wax rabitaanka Shacabka deegaanada Koonfur Galbeed lagu soo dhisay Odayaashan ay marqaati ka yihiin 6 gobol in lagu soo dhisay rabitaanka shacabka deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, suaasha waa maya waa hadii loo texgelinaayo rabitaanka shacabka si ay cadaalada iyo Ala ka cabsi ku dheehantahay.
breakingIdaleNews
Idale News Online.