Shantii bishii tagtay ee May 2014 ka aan ku guda jirno ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha Dowlada KoonfurGalbeed Soomaaliya mudane Madoobe Nuunoow Maxamed,
Wafdigan oo ka koobnaa kudhowaad 20 xubnood oo isugu jiray madaxweyne Nuunoow,ku xigeenkiis,xubno Wasiiro ah iyo qaar ka mid ah golaha Guurtida KoonfurGalbeed ayaa waxay Muqdisho u soo gaarteen sidii ay wadahadalo ku saabsan isfaham dhexmara Dowlada Fedraalka iyo Dowlada KoonfurGalbeed ay ula yeelan lahaayeen Madaxda ugu sareysa dowlada Fedraalka.
Inkasta oo an wax la taaban karo kasoo bixin wadahadalada ayaa waxaa hadana la tilmaamayaa in wafdiga Madaxweyne Madoobe Nuunoow ay u soo foodsaareen dhibaatooyin keeni kara inay xilalka ay u hayaan shacabka KoonfurGalbeed ay ku waayaan maadaama Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed ay leedahay Dastuur qoran kalana xadidaya misna kala xadaynaya shuruucda ku aadan awoodaha.
- Qodobka 25aad ee Dastuurka Dowlada KoonfurGalbeed ayaa sidan u qoran waxaana la akhriyi doonaa heer hoosaadka Dastuurka.
(Xilwaayidda Madaxweynaha)
Madaxweynaha wuxuu xilkiisa ku waayi karaa qodobada soo socda:
- Istiqaalo qoraal ama mid afka ah oo uu saxaafadda siiyo.
- Geeri ku timaada.
- Xil gudasho la’aan joogto ah.
- Xukun ciqaabeed oo ay maxkamad ku rido.
- -Haddii madaxweynuhu xilka waayo, waxaa xilka loo dhaarinayaa madaxweyne ku xigeenadiisa mid ka mid ah.
- Madaxweyne ku xigeenka xilka la wareegey wuxuu dhameystirayaa oo kaliya mudada u harsaneyd madaxweynaha xilka banneeyey.
Hadaba qodobadan Dastuuriga ah ayaa waxa uu Madaxweyne Madoobe Nuunoow uu xilka ku weyn doonaa mudo haatan ku siman ilaa iyo 48 saacadood oo u buuxsami doonta 30 maalmood oo uu ka maqnaaday xafiiskiisyadiisa gudaha Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed waxaana sidaa qaba qodobkan
C-Xil gudasho la’aan joogto ah.
oo lala akhriyo xeer hoosaadka dastuurkan oo ku mudaynaya(Xadidaya) in madaxweynuhu aanu Sodon maalmood oo is xigta aanu dibada uga maqnaan karin xuduudaha Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed,
Sidaa si lamid ahna Maxweyne ku xigeenkiisa iyo xubnaha lasocda kolka laga reebo Guurtada.
Hadaba Su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay Madaxweyne Madoobe Nuunoow ma jebin doonaa xeerkan ay Ummadda KoonfurGalbeed dhigatay ee uu Madaxweynaha ku yahay mise waa uu dhaqan gelin doonaa oo Baydhabo ayuu ku laaban doonaa ka hor waqtigan mise xilka ayuu dhigi doonaa?
Looganoow looba jooge!
W/D: Aqoon yahan Abdiaziz ShSalah
Idale News Online.