Baydhabo(INO)—Sida qorshaha uu ahaa waxaa maanta ku eg waqtiga maamul goboleedyada laga sugayay iney soo gudbiyaan wakiilada aqalka sare ee baarlamaanka Sanadkaan u matalaya maamul goboleedyada.
Gudiga doorashooyinka ayaa shaaciyay in shanta bisha October ay tahay waqtiga maamul goboleedyada ay soo gudbinayaan wakiilada u matalaya baarlamaanka Soomaaliya, sida ku cad jadwalka doorashooyinka.
Horay ayaa waxaa dib u dhac uu ku yimid waqtiga maamul goboleedyada ay soo gudbin lahaayeen xubnaha baarlamaanka gaar ahaan aqalka sare u matalaysa, waxaana dib u dhacay doorashada madaxweynaha oo laga dhigay dhamaadka bisha November.
Waxaa jira walaac xoogan oo laga muujinayo in markale dib u dhac uu ku yimaada doorashada sanadkaan ka dhaceysa dalka Soomaaliya oo horey dib u dhacday.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in maamulka Puntland qorsheynayo soo gudbinta xubnaha aqalka sare u matalaya, walow ay jiraan isqabqabsi la xiriirta cidda Puntland u mataleyso aqalka sare ee baarlamaanka.
Waana maamulka kaliya ee u dhow soo gudbinta wakiilada aqalka sare u matalaya, waxaase wali jira isqabqabsiga u dhaxeeya beelaha qaar ee Puntland daga.
Sidoo kale ma cadda ilaa iyo hadda halka xubnaha matalaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe laga soo xuli doono.
Arimahaan oo dhan ayaa walaac ku abuuraya bulshada Soomaaliyeed, waxaana laga baqayaa in dib u dhac kale uu ku yimaado waqtiga doorashada lagu balamay.