Waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka Baarlamaanka oo la shaaciyay

0
235

Muqdisho(INO)—Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo dhowaan la dhisay ayaa sheegay in doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ay dhici doonto 11-ka ilaa 12-ka Bishan January.

Guddiga ayaa sheegay in Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen ay bilaabanayso 11ka bishan ayna dhamaan doonto  12ka bishan January ee sanadkan 2017-ka.

Waxa ay Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Golaha shacabka ay sheegeen in ay si wanaagsan u socoto qaban qaabada ku aadan Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen.

Doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya haddii ay dhacdo ayaa waxaa lagu wadaa in la diyaarin doono doorashada Madaxweynaha Soomaaliya taasoo la rajaynayo in la qabto inta aysan dhamaan bishan Janaayo 2017.

Idale News Online, Muqdisho