Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo ka qeyb galaya doorashada Guddoonka Baarlamaanka

0
223

Muqdisho(INO)— Iyadoo maanta lagu wado in magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa socdo dhaq dhaqaaqyo xooggan oo ku saabsan qabsoomida doorashada, waxaana magaalada ay gashay jawi ka duwan sidii ay aheyd maalmihii la soo dhaafay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka oo maanta la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in doorashada maanta ay ka dhaceyso xarunta golaha shacabka.

Cismaan Cilmi Boqore guddoomiyaha xilka ka tagaya marka guddoomiye rasmi ah la doorto ayaa sheegay in doorashada maanta goobjoog ay ka ahaan doonaan wakiilo ka socdo beesha caalamka.

Xildhibaanada baarlamaanka ee doorashada sameynaya ayaa dhankooda sheegay in doorashada maanta ay noqoneyso mid ku dhacdo si cadaalad ah oo dimuqraadiyad ay ku jirto.

Xildhibaan Aadan Isaaq Cali oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada maanta ay noqoneyso mid shacabka Soomaaliyeed ay ku farxi doonaan natiijada kasoo baxdo.

Waxaa aad loo hadal hayaa doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Muqdisho oo ay ku loolamayaan ilaa farax musharax.

Idale News Online, Muqdisho