Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Midowga Afrika ugu qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa soo dhaweeyay tilaabada Dowladda Federaalka soomaaliya ay u qaaday magacaabida gudoomiyeyaalka dhulalka cusub ee lala wareegay.
Gudoomiyeyaalka maamaulada ee ay magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa kala wareegto xukunka Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM tasoo qeyb ka ah dadaalada xasilinta.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa yiri isagoo taageero kaheysto AMISOM, Gudoomiyeyaashu waxaa la geeyay degmoyinka Bulo Burte iyo Jalalaqsi taasoo bidhaamineyso calaamad dheeraad ah oo horumar ah iyo kasoo kabashada gacan ku heyntii Al Shabaab iyo maqnaanshaha xukunkii dowladda.
“AMISOM waxay horay u sii waday oofinteedii sharcigeeda ay ku taageereyso Dowladda Federaalka ah si ay u abuurto jawi ku haboon tirtirida dhaq dhaqaaqyada xag jirka ah ee Al Shabaab lana balaariyo hanashada dowladda dhamaanba dhulka dowladda, si uu xukunka wanaagsan, xuquuqul insaanka iyo sharciga awoodu ay dhidibada u aastaan.” Ayuu yiri Danjire Annadif.
Wuxuu ugu baaqay dhamaanba dadka nabada jecel inay sameeyaan waajibkooda madaniga ah, siiyaana taageerada ugu badan maamulada cusub iskaashina lasameeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya laamaheeda amaanka, milatariga, AMISOM iyo ciidamada booliska AMISOM si loo soo celiyo nabadii, xasiloonidii iyo awooda sharciga, markoosoo dalku uu si deg deg ah u guda geli doono horumar iyo sare u kaca bulshada.
Dhiniciida, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cali Abtidoon Xalane ayaa yiri magacaabistanu waxay tuseysaa inay dadka Soomaaliyeed la wareegen gacan ku dhigista mustaqbalkooda.
“Maanta, ayadoo taageero laga helayo AMISOM, Maamuladu waxay sal dhigeen degmooyinka Bulo Burte iyo Jalalaqsi, ayadoo munaasabad soo dhaweyn ah tusaale u ah iyo baaq horumar oo dheeraad ah oo ku aadan kasoo kabashada gacan ku heyntii Al Shabaab iyo maqnaanshaha xukunkii dowladda.
” Ayuu yiri Mudane Abtidoon, oo ku daray inay ujeedadu aheyd tababarka gudoomiye yaasha iyo taliyaha xabsiyada, nabadsugida iyo booliska oo hor kici doono maamuladaan.
Idale News Online, Muqdisho.