Qaar ka mid ah Wafdigii dowlada Somalia oo muddo 7aad ah ku sugnaa Kismaayo oo Muqdisho dib ugu soo laabtey

0
213

Wafdigii dowlada Somalia oo muddo 7aad ka badan ku sugnaa magaalada xeebta ah ee Kismaayo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, wafdigaan soo laabtey ayaa isugu jiray wasiirro, xildhibaanno, saraakii ciidan iyo wariyeyaal, waxaan galabta marka ay soo gaareen garoonka diyaaraha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyey, wasiika Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Badda, Muxudiin Maxamed Kaalmoy, wasiir ku xigeen Warfaafinta C/Shakuur Cali Mire, wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, C/raxmaan Dheere iyo saraakiil kale.

Waftigan Todobaadka ku sugnaa Kismaayo ee uu hoggaaminayey Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa waxaa safarkoodii Kismaayo uga warbixiyey wasiirka Warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciil-mooge Xersi, waxa uuna warbahinta qaranka u sheegay in wafdiga uu soo nabad laabtay, isla markaana natiijooyin badan ay gaareen intii ay Kismaayo ku sugnaayeen.

Wafdiga oo horey mudo afar cisho ah ku xanibmay garoonka diyaaraha Kismaayo ayey u suuragashay in ay gudaha u galaan kismaayo, iyadoo halkaasi ay kulammo kala duwan oo dhinaca amniga iyo ciidammada quseeya la qaatay saraakiisha ciidammada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM , hasa yeeshee dhinaca kale ma aysan jirin wax wada hadallo ah oo ay sheegeen inay isku soo hor fariisteen maamulka  .

Wali waxaa Kismaayo ku sugan masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sii wadi doono xaqiiqo  raadinta xaaladda Kismaayo ee uu ka taaganyahay khilaaf siyaasadeed.

 Idale News Muqdisho.