Baledweyne(INO)— Wafdi heer Wasiir ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, si ay u kala dhex galaan maleeshiyooyinkii labadii maalmood ku dagaalamayay magaalada.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Batroolka, Wasiirka Dhalinyarada, Wasiiru dowlayaasha Madaxtooyada iyo Maaliyada, waxaana ay bilaabeen waan waan ay ka dhex wadaan maleeshiyooyinka ku dagalamay Beledweyn.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inay gacan ka geysan doonaan xalinta colaadii maalmahan ka jirtay Beledweyn, waxaana uu ugu baaqay labada dhinac inay isu tanaasulaan, isla markaana u turaan shacabka, xabadana joojiyaan.
Wafdiga ayaa haatan kulamo kula leh magaalada Beledweyn odayaasha, waxgaradka, iyadoo horay u sii ambaqaaday dadaaladii nabadeed ee ay wadaan odayaasha, waxaana xalay lagu guuleystay in xabad joojin la kala dhex dhigo labada maleeshiyo beeleed, iyadoo lagu wado in la kala qaado.
Sidoo kale wafdiga ka socda Xukuumadda iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan odayaasha labada dhinac ee ku dagaalamay xaafada Howl-wadaag, si ay u kala dhex dhigaan heshiis xabad joojin iyo xal nabadeed oo degenaansha u horseeda labada dhinac
Dagaaladii labadii maalmood ka socday magaalada Beledweyn ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii isu socodka gaadiidka, waxaana dagaalada ku dhintay in ka badan 10-ruux, halka afartameeyo kalena ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta xalinta dagaalo dib uga soo cusboonaaday magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM kala qaadeen maleeshiyaadkii isku hor fadhiyay magaalada iyo duleedkeeda, waxaana la filayaa in iyana xabad joojin la dhex dhigo.
Idale News Online,Baledweyn