Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen Wafti balaaran oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasoo uu maanta diray Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) si wada xaajood loola galo Salaadiinta iyo Maamulka ku sugan Kismaayo.
Waftiga dowladda ayaa waxaa loo galbiyay daqiiqado ka hor gudaha Magaalada Kismaayo iyaga iyo Wafti ilaa shalay ku xayirnaa Magaalada Kismaayo, waxaana ay wada hadalo albaabadu u xiranyihiin kula leeyihiin Kismaayo Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Kismaayo.
Dhinaca kale Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qaabkii ay maanta u dhacday Doorashadii Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe, waxana wararkii ugu danbeyay ay sheegayaan Magaalada inay qaybna dabaal dagayso qaybna ay la aamusantahay Caro darteed.
Sida uu sheegay Coll boqole oo kamid ah Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Kismaayo, waxaana ka maqnaa hoolka lagu doortay Axmed Madoobe dhamaan Musharaxiintii u taagnaa Xilka Madaxwaynaha Jubbaland marka laga reebo Axmed Madoobe.
Dhageyso Guuxa dadweynaha Kismaayo [audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/05/Coll-Boqole.mp3]
Ma jiro ilaa iyo Iminka cid la hadashay Warbaahinta oo ka tirsan Musharaxiinta, waxaase uu ku micneeyay Coll boqole Doorashada Kismaayo ka dhacday Inqilaab aan dhiig ku daadan.
Kismaayo ayaa waxaa laga maqlayaa Rasaas aan la ogayn waxa lagu ridayo, waxaase jira qaar kamid ah Ciidamadda Magaalada ku sugan oo u dabaal dagaya Guusha Sheekh Axmed Madoobe.
Daqiiqad walba Isha ku hay Idale News Online si aad ula socoto Isbadalka Kismaayo Maanta ka jira.
Idale News Online Kismaayo