Waxaa xaley kulan casho wada qaatay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee lixda gobol mudane Madoobe Nuunow Maxamed iyo Raisulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed .
Cashada kadib ayaa raisalwasaaraha Xukuumada Soomaaliya waxa uu magacaabay gudi wasiiro ah oo wada xaajood la gali doona Maamulka Koonfur Galbeed, dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow ayaa dhankiisa magacaabey gudi wasiiro ah oo wada hadal la gali doona Xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Wada hadalkan ayaa lagu wadaa inuu si toos u furmo Maanta Jimcaha Salaada Jimcaha ka dib.
si kataba ha haate, waxaan ogeyn, wax yaabihii kale isla soo qaadeen.
Idale News Online.