Waa Kuma Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Somalia?

0
243

Muqdisho(INO)-Waxaa soconaya loolan ay siyaasiyiiin badan ugu jiraan noqoshada madaxweynaha maamulka gobolada dhexe kaas oo lagu wado in dhawaan lasoo gabo gabeeyo dhismihiisa oo la unko.

Siyaasiyiinta badan ayaa jiro oo horey u shaaciyay inay u taagan yihiin qabashada xilka madaxtinimo ee maamulka gobolada dhexe waxaana siyaasiyiintaas ay yihiin kuwo xiriir dhow la leh intooda badan dalal shisheeye oo kamid ah kuwa gacmaha kula jiro siyaasadda Somalia oo ay ugu horeeyaan dowladaha dariska ah sida Ethiopia iyo Kenya.

Faarax Sheekh C/qaadir waa mudane ka tirsan baarlamaanka waa ninka ugu xeeladda badan siyaasiyiinta Somalida ee xilligaan waa saaxibka 1-aad madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kulamo dhowr ah oo kala duwan uu la qaatay siyaasiyiin isku soo taagay madaxtinimada maamulka gobolada dhexe kuwaas oo ciriiri iyo loolan culus galin kara C/kariin Xuseen Guuleed oo ah wasiirkii hore arrimaha gudaha iyo amniga qaranka kaas oo doonaya inuu noqdo madaxweynaha maamulka gobolada dhexe Somalia.

Siyaasiga lagu magacaabo Axmed C/salaan aas aasihii hore idaacaddii Horn Afrik horeyna u soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiir xukumaddii Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa ahaa siyaasiga ugu culus kuwa loolanka iyo gulufka ugu jiro inay noqdaan Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Somalia.

Diblomaasiyiin lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Website-ka Midnimo.com in Faarax C/qaadir iyo Axmed C/salaan ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay isla meel dhigeen qorshe cusub oo ka dhaadhicisay Siyaasi Axmed C/salaan inuu ka tanaasulay tartanka madaxweynenimada maamulka gobolada dhexe Somalia.

Sababaha uu Axmed C/salaan ugu tanaasulay inuu loolan u galo qabashada jagada madaxtinimo maamulka gobolada dhexe ayaa ah in loo balan qaaday in laga dhigayo safiirka Somalia u fadhinaya Mareykanka iyo qaramada midoobay islamarkaasna xubno badan uu wato lagu dari doonno oo ay kamid noqon doonaan labada gole ee loo dhisi doonno maamulka gobolada Dhexe Somalia sida xubnaha baarlamaanka iyo golaha wasiirada maamulka gobolada dhexe lagu dari doonno shaqsiyaad uu Axmed C/salaan saaxiibo dhow yihiin kuwaas oo kasoo kala jeedo dhamaan beelaha dega deegaanada maamulka gobolada dhexe Somalia taas ayaana ah sababta Axmed C/salaan ugu tanaasulay noqoshada madaxweynaha mamulka gobolada dhexe.

Qorshahaan uu ka shaqeeyay Faarax Sheekh C/qaadir ee ah inuu ka dhaadhiciyay Siyaasi Axmed C/salaan inuu ka tanaasulo Madaxtinimada maamulka gobolada dhexe  ayaa ah mid fursad siin karta saaxiibkiisa C/kariin Xuseen Guuleed oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Faarax Sheekh C/qaadir ay la rabaan inuu noqdo Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here