Ururka CPJ oo Dowlada ugu baaqay inay baaritaan ku sameyso dilkii Wariya Hindiya Xaaji

0
216

Muqdisho-( INO )-Gabar Wariye oo u shaqeyneysay Warbaahinta Dowlada Sida Raadiyaha iyo Televisionka Qaranka ayaa shalay lagu dilay Muqdisho ka dib markii gaari ay saarneyd loogu xiray walxaha qarxa ka dibna uu la kacay.

Alle ha u naxariistee Hindiya Xaaji Max’ed oo ahayd Hooyo heystay 7-carruur ah,ayaa dhaawac ahaan loogu qaaday Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ugu geeriyootay.

” Geerida Hindiya Xaaji Max’ed waxay muujineysaa in wali Soomaaliya ka jirto Qatar dhinaca amaanka Wariyaasha iyo wali xad gudub dhanka Xuquuqdooda ah,’ ayay Tiri  Sue Valentine oo ah isku xiraha Madaxada Barnaamijyada Africa ee Ururka CPJ.

Mrs Sue Valentine ayaa Xukuumada Soomaaliya ugu baaqday iney baaritaan ku sameyso falka dilka ah ee lagula kacay Haweeneyda Wariyaha ahayd ee u shaqeyneysay Wasaarada Warfaafinta Dowlada Soomaaliya si cadaalada loo horkeeno,isagoo carabka ku adkeeyay in Dowlada looga fadhiyo hirgelinta deegaan suurta gelinaya in wariyaha si xor oo nabadi ay ku dheehan tahay uga waramo.

Alle ha u naxariistee Hindia Xaaji Max’ed ayaa sidoo kale seygeega ku weysay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho sanadkii 2012-kii,kaasi oo mas’uuliyadiis ay sheegteen ururka Al-shabaab

Hindiya Xaaji Max’ed ayaa soo saare Barnaamij iyo War Tabiye ka ahayd Warbaahinta Dowlada Sida Raadiyaha iyo Tv-ga Qaranka,waxayna ku nafweysay Qarax loogu talaalay gaari nuuxa raaxada ah oo ay saarneyd.

25-sano ee la soo dhaafay waxaa si micna-daro ah Soomaaliya loogu dilayay Wariyaasha Soomaaliya Xuquuqdoodana lagu tumanayay.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here