UK oo soo dhaweysay maamul usameynta Gobolada dhexe

0
201

Kadib booqasho uu ku tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose safiirka dowlada Ingiriiska ee dalka Soomaaliya Neil Wigan ayaa ka hadlay qorshaha maamulka loogu sameynayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Danjire Nilgan
Safiirka dowlada Ingiriiska ee dalka Soomaaliya Neil Wigan ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay qorshaha mideynta iyo maamulka u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Wuxuu ugu baaqay dadka ku dhaqan gobolada maamulkaasi loo sameynayo inay ka qeyb qaataan qorshaha maamul u sameynta, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay inay la yimaadaan qorshe wanaagsan.
Neil Wigan, ayaa ku amaanay dowlada Soomaaliya qorshaha dalka looga hirgilinayo nidaamka federaalka oo dowlada Soomaaliya ay qaadatay, isagoo ku tilmaamay inay qeyb ka qaadanayaan maamulada kor u qaadista amaanka dalka Soomaaliya.
Neil Wigan, ayaa todobaadkii lasoo dhaafay booqday magaalada Kismaayo isagoo la kulmay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba Cabduqaadir Xaaji Maamed iyo masuuliyiin ka tirsan AMISOM.
Waxyaabaha ay ka wada hadleen ayaa lagu sheegay inay tahay kor u qaadista amaanka deegaanada uu ka arimiyo maamulkaasi, AMISOM iyo ciidamada maamulka Jubbaland.
Neil Wigan ayaa xilka safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya loo magacaabay sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo dowlada Ingiriiska ay sheegtay inay kaga gol laheyd balaarinta taageerada dowlada Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho