Uhuru Kenyatta oo Diiday In Mushaar Kordhin Loo Sameeyo Macalimiinta Iskuulada Kenya

0
227

 Nairobi(INO)— Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan awood u laheyn bixinta mushaar kordhinta ay dallbanayaan Macalimiinta Iskuulada ay dowladda gacanta ku heyso, kuwaasoo shaqo joojin sameeyay.

Uhuru Kenyatta oo shalay ka hadlayay shaqo joojinta macalimiinta ayaa sheegay in Macalimiinta Kenya ay yihiin kuwo saddexaad ee ugu mushaarka badan Qaaradda Afrika.

Dowladda Kenya ayaa amartay in albaabada la isugu dhifto dhamaan Iskuulada waxbarashada ee ay dowladda gacanta ku heyso iyo kuwa gaarka loo leeyahay, kadib markii macalimiinta ay shaqo joojin sameeyeen.

Mr Kenyatta ayaa sheegay in dakhliga dowladdiisa soo gasha ay 52% ku bixiso mushaaraadk shaqaalaha dowladda,

Xogahayaha Guud ee Ururka Maclimiinta Kenya Wilson Sission ayaa ku adkaystay in macalimiinta ay sii wadi doonaan shaqa joojinta oo isbuucii afaraad galayso Isniinta.

In kabadan 11 milyan oo caruur ah ayaa xaafadahooda joogi doona oo aan waxbarasho heli doonin.

Dhinaca kale Iskuulada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Gobolka waqooyi bari ayaa dib loo furay, inkastoo Iskuulada dowladda gacanta ku heyso ay gebi ahaanba yihiin kuwo xiran.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here