Kampala ( INO)-Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay soo furan doonaan Askari ka tirsan Ciidamada Dalkaasi oo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay ku qabsadeen weerar sanad ka hor ay ku qaadeen xarunta Ciidamada Uganda ee Magaalada Janaale.
Al Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalka Askarigaasi labo bilood kadib weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Janaale,waxaana Askarigaasi oo u xirnaa garbo duub uu sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay mudadii la haystay.
Col Paddy Ankunda afhayeenka ciidamada Milateriga ee dalka Uganda oo Warbaahinta la hadlayey ayaa rajo ka muujiyay in Askarigaasi ka tirsan Ciidamadooda ay si xoog ah ugu soo furan doonaan gacanta Al Shabaab
Taliyaha Ciidamada Milateriga ee dalka Uganda Gen Katumba Wamala ayaa wareysi uu bixiyey kadib weerarkii Janaale sheegay in Saraakiisha madaxda ka ahayd fariisinkii Ciidamada Uganda ee Janaale ay sameeyeen qaladaad badan isagoo xusay in halkaasi ay ku sugnaayeen 200 oo Askari halka ay soo weerareen 350 ilaa iyo 500 oo ka tirsan dagaalyahanada Al Shabaab.
Weerarkii sanad ka hor maanta oo kale Al Shabaab ay ku qaadeen fariisinkii Ciidamada Uganda ee Deegaanka Janaale ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa looga dilay Askar badan halka kuwa kalena lagu qafaashay sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab.