Ankara(INO)- War kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada dowladda Turkiga ayaa looga hadlay Qaraxii khasaaraha badan sababay ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho , gaar ahaan Agagaarka Dekedda .
Wasaarada arimaha dibada dalka Turkiga ayaa sheegtay in ay si weyn uga xuntahay Qaraxaasi oo ay sheegtay in ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Dowladda Turkiga waxaa ay xustay in ay garab taagan tahay umada Soomaaliyeed , islamarkaana ay ka caawin doonto dowladda Soomaaliya sidii uu dalku nabad u noqon lahaa.
Warka kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada dowladda Turkiga ayaa sidoo kale looga hadlay taageerada ay dowladda Turkigu ay siiso dowladda Soomaaliya, waxaana dowladda Turkigu ay wacad ku martay in ay laba jibaari doono Taageerada ay siiso dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Xukuumada Ankara waxa ay sheegtay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya si uu dalka u noqdo mid nabdoon loogana hortago weerarada Al-Shabaab.
Hadalka kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa kusoo beegmaya Xili shalay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Dekeda Muqdisho uu ka dhacay Qarax Xoogan oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.