Muqdisho (INO) — Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in Dowladda Turkey ay Kalain lixaad leh ka qaadan doonto Dib U dhiska Ciidanka Xooga dalka.
Wasiirka oo Maalmihii lasoo dhaafay Booqasho ku joogay dalka Turkey, ayaa u sheegay Saxaafadda xilli uu kasoo degay Garoonka Aadan Cade in Kulamo uu la qaatay Madaxda dalka Turkey, gaar ahaan Dhigiisa dalkaasi inuu kala soo hadlay in Ciidanka Soomaaliya uu u baahan yahay Tababar & Qalabeyn, si amaanka u sugo.
Waxaa Wasiirka Safarkiisa Turkey ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), waxayna sheegeen in Turkey ay diyaar u tahay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawiso Dhismaha Ciidan Qaran oo xoog leh & in Maleeshiyaadka Maamulada lagu biiriyo Ciidanka Xooga.
Dowladda Turkey waxay hadda Dalkeeda Tababar ku siinaysaa Ciidan isagu jira Boolis, Military & kuwa Cirka iyo Badda, iyadoo Mashaariicda kale ay kawado dalka aan loogu bogay.
Idale News Online – Muqdisho