MN(INO)- Dalka mareykanka gaar ahaan gobolka soomaalidu ay badan tahay Ee Minneasota waxaa ka soconayo, kulamo si gooni gooni ah ay yeelanayaan siyaasiyiin, waxgaradka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minneapolis ayagoona kaashanayo dowlada mareykanka.
Xog hoose oo ay hesho shabakada Idale News Online ayaa cadeyneysaa in Siyaasiyiin falanqeeya dhacdooyinka siyaasadeed ee soomaaliya isla markaana il gaar ah ku haayo marweliba isbadala siyaasadeed ee soomaaliya oo sidoo kalena mar hore sheegeen inay fashilan tahay dowlada madaxweyne xasan iyo weliba qareeno ayaa arintaasi riixaya, ayagoona taagyeero ka helayaan dowlada mareykanka oo saluugsan hab dhaqanka madaxweynaha soomaaliya.
Kulamadan oo ay yeelanayaan siyaasiintan waxa ay ugu gul leeyihiin sidii madaxweyne xasan sheekh maxamuud u bineeyi lahaa kursiga iska markaana la,soo dhiso dowlada cusub inta ka dhiman sanadkan 2016.
Madaxda beesha caalamanka iyo deeq bixiyaasha oo dhawaan ka qiib galey shirkii Copenhagen ee hiigsiga cusub ee soomaaliya oo lagu qiimeynayey wax yaabihii u qabsoomey madaxweynaha soomaaliya ayaa shirkaasi lagu timaamey in dowlada xasan sheekh maxamuud ay taagan tahay heer hoose isla markaana aad looga dhaliiley madaxweynaha DF soomaaliya.
Shirkaasi waxa uu ku soo beegmey xilka
madaxweynaha iyo wasiirka koowaad ee dalka
uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo isla markaana qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanja soomaaliya ay mooshin ka keeneen xukuumada RW soomaaliya, taasoo walaac xoogan ku abuurtey shacabka soomaaliyeed oo dhibaato la sooo daala dhacayey mudo 23 iyo deeq bixiyaasha caalamanka.
Sikastaba ha ahaatee, madaxweyn xasan ayaa la sheegey inuu naas nuujinayo Damul Jadiid oo ah koox yar oo hab sir ah ka shaqeeya isla markaana ay adag tahay in la fahmo qaabka ay u shaqeeynaan Marar badan lagu hadley arimaha kooxdaasi.
Sidoo kale madaxweyne xasan sheekh ayaa lagu eedayey unuu isa siyey dhamaan
aboodihi dalka, taasoo ka soo horjeedo
dastuurka dalka.
Ugu dambeynii,waxaa ka filayaan in dhawaan arintan soo shaac baxdo, isla markaana sirar badan oo dahsoon soo saari doonaan siyaasiyiinta soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaab dalka mareykanka gaar ahaan gobokka Mineapolis.
Idale News Online,MN, USA