Muqdisho(INO)- Idale News Online warar hoosaadyada ay helayso ayaa sheegaya in uu Shariif Xasan Sh Aadan Madaxweynaha dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, soo gaaray caasumada dalka, isla markaasna uu doonayo in uu wada hadalsiiyo dhinacyada is haya ee dawladda Soomaaliya.
Md Shariif Xasan ayaa la rumeysan yahay in uu yahay siyaasi aasan, wax badana kala socda daaha-gadaashiisa, taas awgeed ayuu labada dhinacba la yahay saxiibo wanaagsan.
Madaxweynaha dawladda ayaa doonaya Iscasilad uu sameeyo Raysalwasaaraha dalka, laakiin taasi waa ka soo horjeeda Raysalwasaaraha dawladdu, waxaana ku adag Shariif Xasan in uu is faham dhexdhigo labada dhinac.
Ugu Dambeyntii, Ma sahlana xaaladaha siyaasadeed ee dalka, waxaana dhinac kastaa doonayaa hirgalinta danihiisa Siyaasadeed, taas oo ka dhigan in ay dawladda Soomaaliya howlaheedu uxayirnaan doonaan is jiid-jiidka caasumada.