Dowlada Sucuudiga ayaa 20% hoos u dhigtay guud ahaan tiradii tagi jirtay Xajka taasi oo saameyn ku yeelan karta dhamaan wadamada Xujayda ka yimaadaan oo mid walba hoos loo dhigay tiradii horey loo siin jiray.
Waxaa hada la balaarinayaa dhimasyaasha Masjidka Xaramka iyadoo la balaarinayo goobta dawaafka, iyo qeybo kamid ah Masjidka Xaramka. Waxaa hada xiran gebi ahaan oo dhismo ku socdaa dabiqii labaad iyo dabaqii sadexaad ee lagu dawaafi jiray.
Xujayda ka imaaneysa wadamada Carabta sida dalka Soomaaliya ayaa laga dhimay 20% dadkii imaan jiray, halka dadka ka imaanaya wadamada Reer Galbeedka, Afrikada kale iyo Bariga fog laga jaray 50% dadkii sanad walba ka imaan jiray.
Dhismaha cusub ayaa la bilaabay bishii May iyadoo la jabiyey qeybtii dhismahii ay ku dartay Boqortooyadii Islaamiga ahayd ee Turkida (Cismaaniyadii), iyadoo loo baneenayo qeybta cusub ee dhismaha ee Masjid Xaramka, Qeybtii hada la fujiyey ee Turkida dhistay ee Taariikhiga ah ayaa lagu wadaa in dib loogu dhiso banaanka danbe ee dhismaha cusub.
Waxaana la filayaa in lasoo gab gabeeyo dhismaha cusub ee Masjidka Xaramka muddo sanado ah, waxaana loo fulinayaa qeyb qeyb, waxaa la qorsheeyey in marka uu dhamaado dhismaha cusub in tirada masjidka ku dawaafi karta ama ku tukan karta sare loo qaado boqolaal kun oo qof oo dheeraad ah
Balaarinta Masjidka Xaramka ayaa qeyb ka ah casriyeynta dhulka uu ku fadhiyo Masjidka Xaramka xili ay sii kordheyso tirada dadka muslimiinta ah ee sanad walba taga Xajka.
Arrintan ayaa adkeyn doonta xujayda fiisooyinka xajka ka codsan doona safaaradaha wadamada reer Galbeedka oo ay ka yimaadaan Qurbo joog badan oo Soomaalida ah.
Dhinaca kale waxaa si gaar ah sanadkan looga codsaday dadka waayeelka ah inaysan imaan Xajka maadaama uu dhismo ku socdo dabaqii labaad ee dhismaha Xaramka oo ahayd halka dadka kuraasta socda lagu kaxeyn jiray dadka waayeelka ah.