Dhageyso: Tirada dhimashada weerarkii ismiidaaminta ee magaalada Beledweyne oo sii kordheysa

0
202

Inta la xaqiijiyay 20 qof ayaa geeriyootay Tiro intaasi ka badana waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii Ruux walxaha qarxa isku soo xiray uu qarax is miidaamin ah ka fuliyay Magaalada Baladweyne.

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/10/beledweynQarax.mp3]
Dadka geeriyooday waxaa ku jira Afar Askari oo ka tirsan Ciidamada Ethiopia sida wararka ay sheegayaan , waxaana sidoo kale dadka geeriyooday ku jiray Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya.

Warar Soo baxaya ayaa sheegaya in Fanaan ka mid ah Fanaaniinta reer Hiiraan iyo qaar ka mid ah Dhaliyarada Degamada iyo shacab badan inay halkaasi ku nafaayeen .

xasuuq

Arintan ayaa Dhacday kadib markii Maqaaxi ay dadkaan ku jireen oo ku dhaw xarunta gobolka uu soo galay ruux walxaha qarxa isku soo xiray kadibna uu is qarxiyay, waxaana dadku ay sheegayaan in marba marka kasii dambeysa ay sii kordhayaan tirad dadka geeriyooday

Haweeney la hadashay Shabakada Idale News Online, ayaa sheegtay in Tani ay tahay mid Musiibo ah ,isla markaana ay aad uga xunyihiin dhacdadan dadkuna ay ka wada tiiraanyoonayaan .

Waxay sheegtay in Ciidamadu iminka ay bilaabeen howlgalo ay ku xaqiijinayaan amniga isla-makaana ay ku baadi goobayaan dadkii arintan ka dambeey, waxaana jira sida ay sheegtay risaas teel teel ah oo ay ciidamadu ridayaan.

Ururka als-habaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkaas , waxaana ay sheegeen inay ku dileen Saraakiil AMSIOM ah iyo ciidamo Ethiopian , iyo Jabuutiyaan isugu Jira .

Idale News Online