Tarzan oo howlan qorshe magacyada looga bedelaayo wadooyinka magaalada Muqdisho

0
241
Waxaa jira qorsho magacyada caanka ah looga bedelayo wadooyinka magaalada Muqdisho, sidaasi waxaa sheegay gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.
Hadalkaan ayaa wuxuu ka sheegay kulan ay isugu yimaadeen gudoomiyayaasha degmooyinka gobalka Banaadir loogana arrinsanayo hormarinta magaalada Muqdisho.
“Waa hormar kale oo magaalada ay ku talaabsanayso, magacyaduna annaga ayaa dooranayno”, ayuu yiri Tarzan.
Qorshahaan ayaa qeyb wuxuu ka yahay mashruuc lambaro loogu sameynayo xaafadaha magaalada Muqdisho, oo ay fulinayaa hey’adaha ka socda dowladda Turkiga.
Wuxuu sheegay Tarzan wadooyinka magaalada Muqdisho in loo sameyn doono magacyo cusub, wuxuuna si gaar ah u soo hadal qaaday wadada caanka ah ee Wadnaha.
“Jidka wadnaha waan bedeleynaa, Istambuul ayaan u bixineynaa,” ayuu yiri.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa looga fadhiyaa inay aragtiyadooda ku muujiyaan in ay haboon tahay in la bedelo magacyada caanka ah ee wadooyinka Muqdisho iyo inkale.
laamiga
Idale News Online