Tarsan “Madaxweynaha ama RW midkood ha iscasilo, Madaxtooyadana haka guuro”

0
190

Muqdisho(INO)- Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in looga baahan yahay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ama Ra’iisul Wasaaraha dalka midkood inuu iska casilo xilka ay u hayaan shacabka Somaliyed.

Tarsan oo la hadlay Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay labada masuul ee dalka ugu sareysa inay yihiin Musharaxiin u taagan qabashada Hogaanka dalka, sidaasi awgeedna muhiim inay tahay midkood inuu la sinaado Musharaxiinta kale ee xilkaan doonaysa ee Magaalada ku sugan.

Waxa uu sheegay inaan loo baahneyn ku takrifalida Hantida Qaranka oo ka dhaxeysa dhamaan Musharaxiinta iyo Umadda Somaliyed, waxaana uu intaasi ku daray hadii labadooda ay musharaxiin yihiin inaysan adeegsan gaadiidka Dowladda, ciidanka Dowladda, Hantida Qaranka iyo Xarunta Villa Somaliya oo ay hada degan yihiin.

“Waxaa nasiib daro ah oo umaddan Somaliyed haysata waxaa waaye dadkii isla shaqeynaayay oo Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare isku ahaa inay maanta ku tartamayaan Kursiga iyagoon iscasilin ama jagadii iska dhiibin, waxaa ceeb ah in Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasarihii isla tartamaayo oo xafiiskiisa isla fadhiyaan, waxaa qatar ah Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare Musharaxiin ah oo Waqtiga ka dhamaaday, waad ogtihiin Madaxweynaha 10-ka Bisha ayuu xilka uga eeg yahay marka sidee wadankaan loo maamuayaa, yaase Masuliyadiisa qaadaya, yaase lagu aamini karaa, maadaama Musharaxiin ay noqdeen, Dhaqaalaha Wadanka iyo ammaankiisa yaa lagu aamini karaa aadbey shacabka Somaliyed u nasiib daran yihiin waana ceeb.” Ayuu yiri Tarsan.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa hadalkiisa intaasi ku daray “Maadaama Xasan Sheekh Musharax yahay, Cumar C/rashiid uu musharax yahay waa in Awooda ay ku wareegtaa Xubnaha kale ee Madasha Hantida Dowladana Doorashada uma isticmaali karaan, waa inay ka baxaan guryaha ay ku jiraan xitaa guryaha ay ku jiraan Doorasho kuma geli karaan, sababtoo ah guryahaasi dadka waa u siman yihiin aniga iyo iyaga waan u simanahay labo Musharax ayaan nahay marka inay iiga faa’iideystaan amniga wadanka, Dhaqaalihii wadanka xaq uma lahan, waxaan rajeynayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka maanta inuu go’aan gaaro, aniga waxaan qabaa in midkood uu iscasilo aniga hebel ma dhahaayo waad eexanaysaa ayaa lay leeyahay hadhoow.”

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa shalay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan qabashada Hogaanka dalka Somaliya, xilli Madaxweyne Xasan uu horay u sheegay inuu yahay Musharax.

Madaxda talada dalka haysa iminka ayaa hadana doonaysa inay galaan loolan kale oo ku aadan Doorashada dalka, xilli ay guud ahaan gacanta ku hayaan Hay’adaha Dowliga ah, islamarkaana ay waxyaabo badan dheer yihiin Musharaxiinta kale ee dalka ku sugan.