Taliyaha Ugu Sareeya Ciidanka Kenya oo iska riixey eedeynta Dowlada Somalia ee ah in Kenya ay hareer martey howshii Nabad Ilaalinta

0
205

Generaalka ugu sarreeya Ciidamada Kenya ayaa markii u horeeyay si toos ah uga hadlay arrimaha Jubba land .

Gen Julios oo ka hadlayay Munaasibad qalin Jabin ah oo ay sameynayeen Ardey dhamaystay Tababar Milaterinimo.

Taliyaha ayaa sheegay in Shacabka Jubba land  ay iyagu doorteen una Doorteen Madaxweyne Shiikh Axmed madoobe bishan May shan iyo tobankeedii.

Gen Julius oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in dawladda Kenya aysan wax shaqa ah ku lahayn Doorashadii dhawaanta maamulka Jubba land ay ku doorteen Madaxweynahooda isagoona intaa ku daray inuusan dooneyn inuu ku dheeraado ka hadalka Doorashadaas maadaama Soomaaliya aysan ku dheeraan ka hadalka arrimaha Doorashada Kenya.

Sarkaalkan ugu sarreeya Ciidamada dalkaasi Kenya ayaa wax kama jiraan ku sheegay eedeymaha loo soo jeedinayo  Ciidamada Kenya oo sheegaya in ay fara gelin ah joogta ay ku hayaan arrimaha maamulka Jubbaland.

Generaalka ayaa iska fogeeyay in Ciidamadooda  ay is hor tag ku sameeyeen wafddi ka socday  Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo soo gaaray magaalada kismaayo kuwaasoo loo diiday in ay gudaha u galaan Magaalada isagoona arrintaa ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Gen. Julios ayaa ugu dambayntii ku nuux nuuxsaday in Ciidamada Kenya oo qaybta ka ah Amisom ay ku shaqaynayeen  Mandheydka  haatana ay maamulaan dhul aad u ballaaran  marka ay baxayaana ay ku baxayaan Mayndheedka amisom.

Hadalkan Taliyaha Sare ee Ciidamada Kenya ayaa imaanaya xilli dhawaan xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ay wadeen  Mooshin ka dhan ah  Ciidamada Kenya  kuwaasoo ku eedeynayay in dhibaatooyin ku hayaan  degaanada ay kaga sugan Gobolka Jubada hoose.

Idale News Online Mogadishu, Somalia