Munaasabadaan uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Xasan Cismaan oo lagu qabtay xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amiga Qaranka, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliyeed, qaar ka mid ah taliyaashii ciidanka booliska iyo sidoo kale taliye ku-xigeenka booliska AMISOM.
Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Xasan Cismaan ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Taliyihii hore ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto C/xakiin Daahir Siciid “Saacid”, Isagoo codsaday inay la shaqeeyaan, maadaama xil culus loo dhiibay.
Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa xusay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Taliyaha cusub, waxaana uu u mahadceliyay saraakiisha la soo shaqeysay intii uu xilkan hayay.