Thursday, December 5, 2024
Home Idale Somali News Update Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Soomaaliyed Jen. Saacid oo maanta si rasmi...

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Soomaaliyed Jen. Saacid oo maanta si rasmi xilkiisa ula wareegay.

0
175

 

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax, Gudoomiya Maxkamada Sare Caydiid Ilka Xanaf iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa ka qeyb-galay munaasabada xilwareejinta taliyaaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cabdixakiim Dahir Saciid ,Gen. Saacid oo xilka kala wareegay General Sharif Shiikhuna Maye.

“Hogaanka cusub ee aan u magacawnay ciidamada difaaca iyo amniga dalku wuxuu qeyb weyn ka yahay dadaalka aan ugu jirno sugida amniga iyo isbadalka cusub ee aan ku doonaynno inan si buuxda ugu xasilino dalka,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadii xil wareejinta ee ka dhacday dugsiga tabo-barka ciidanka ee General Kaahiye loona yaqaano -Scuola Polizia.

Gen. Sharif Shiikhuna ayaa labo sano ahaa taliyaha CBS, waxaana lagu amaanay inuu qeyb weyn ka qaatay dib-u dhiska ciidanka oo mudadii uu taliyaha u ahaa sadex jibaarmay tiro ahaan. Taliyaha oo munaasabadii ka hadlay waxaa uu sheegay in loo baahan yahay qorshe sare loogu qaadayo tayada iyo tirada ciidanka si loo gaarsiiyo shaqabada ciidanka wadanka oo dhan.

Abdihakim Dahir Said

“Waxaan soo dhaweynayaa taliyaha cusub ee CBS, waxaana rajaynayaa in Illaahay u fududeeyo masuuliyada weyn ee uu qaaday. Waxaan kula dardaarmayaa inuu ka hawl-galo kordhinta tirada ciidanka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayo ahaan,” ayuu yiri Gen. Sahriif Shiikhuna oo ku amaanay ciidanka sida ay naftooda ugu huraan sugida amaanka dalka iyo difaaca xuquuda shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa mahad gooni ah u soo jeediyay Gen. Sharif Shiikhuna oo uu ku amaanay wada-shaqeyntii ay lahaayeen lixdii bilood ee la soo dhaafay. Waxaana wasiirka iyo Ra’iisal Wasaaruhu goobtaas Bilad Sharaf ku gudoonsiiyeen Gen. Sharif Shiikhuna.

Gen. Saacid ayaa ah taliyihii 10 aad ee qabta jagada ugu sareysa CBS tan iyo markii la aas-aasay 1943 kii, oo ahaa xiliggii uu dalku gumaysiga ku jiray. Waxaana goobta xil-wareejinta laga xusay in Gen. Saacid abaahii Daahir waqti dheer u soo shaqeeyay ciidanka booliiska. Halka uu isna yaraan ku galay shaqada ciidanka illaa uu ka qabto hogaanka ciidanka.

“Waxaan mudnaanta kowaad siinayaa daryeelka ciidanka iyo cadaalad inaan u sameeyo. Askariga aan ku aaminayno masuuliyada illaalinta sharciga iyo amniga waa inuu xaqiisa helo, si aan uga guul gaarno la dagaalanka dambiyada iyo musuq maasuqa, una difaacno xuquuqda shacbigeena ee aan u dhaaranay,” ayuu yiri Gen. Saacid oo si rasmi ah xilka ula wareegay manta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hadalkii uu ka jeediyay munaasabada xilwareejinta waxaa uu ku xusay taariikhda dheer ee CBS, iyo sida ay laf-dhabar ugu ahaayeen nidaamka dawligaa ee Soomaaliya. Waxaana uu sheegay inay lagama maar-maan tahay inay kaalintaas buuxiyaan sida ugu dhaqsaha badan. Asagoo intaas ku daray in taliska cusub la yimaado qorshe dhamaystiran oo lagu illaalinayo sharniga dalka, iyo amniga iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

Idale News Online Mogadishu