Taliyaha Ciidanka SIRRA LEONE oo Gaarey Magaaladda Kismayo.

0
185

aliyaha ciidamada qalabka-sida ee dalka Sierra Leone, sarreeye-guuto Samuel Omar Williams oo booqasho ku yimid Soomaaliya ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. 

Socdaalka taliyaha ayaa ayaa lagu sheegay inay tahay u kuur galida xaaladda ciidamada dalka Sierra Leone ee jooga magaalada Kismaayo, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

War ka soo baxay xafiiska wararka AMISOM ee magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay in Samuel Omar Williams uu booqasho labo maalmood ah ku joogi doono magaalada, mana jiraan wax kulamo ah oo weli uu la yeeshay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba.

Taliyaha ciidanka Sierra Leone ayaa shalay tagay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kulan kula yeeshay taliyaha ciidamada AMISOM, General Silas Ntigurirwa, iyadoo booqashada Samuel ay tahay markii ugu horraysay ee uu tago Soomaaliya.

Dowlada Siera Leon ayaa ciidamadeeda waxay qeyb ka yihiin Howgalka AMISOM ee Soomaaliya kula dagaalama Al-shabaab.

Idale News Online kismayo.